4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Marekanka oo cunaqabateyn saaraya Turkiga

Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Marekanka ayaa iskudayaya inuu ku ciqaabo dowladda Turkiga go’aanka ay ku iibsatay gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 oo dalka Ruushka lagu farsameeyo, sida uu ku warramay wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay toddobaada ina soo aaddan inuu Marekanka qorsheynayo cunaqabateyn uu saaro Turkiga,iyada oo kooxda madaxweyne Donald Trump horey u garwaaqsadeen xirmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga.

Hoggaanka guddiyadda Aqalka Senateka ee Marekanka u qaabilsan arrimaha ciidanka iyo xiriirka dibadda  ayaa war qoraal ah oo ay wadajir usoo saareen waxay    ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa toddobaadkii hore xaqiijisay in qeybtii ugu horreysay ee gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 ay soo gaareen ciidda Turkiga , waxaana qeybtaa la geeyay saldhig ku dhow caasimadda Ankara.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]