4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Madaxweyne Waare oo ka jawaabay sababta is badalka joogtada ah loogu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan

 

Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay goob fagaaro ah ku soo hadal qaaday su'aal in badan ay is-weydiinayeen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan taasoo ah sababta keenta isbadalka joogtada ah ee lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan?

Wuxuu sheegay in marar badan uu maqlay su'aashan, madaama gobolka Shabeellaha dhexe wali uu joogto guddoomiyihii la magacaabay markii la dhisay dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

''' Isbadalka mar walba lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan wuxuu tusaale u yahay ama calaamad u yahay cudur ku jira jirka  Hiiraan, waxaan rabaa in aan idin balan-qaado Annaga oo kaashaneyna waxgaradka gobolka in la qaban doono shir-weyne looga arinsanayo Masiirka iyo Aayaha gobolka'' ayuu yiri madaxweyne Waare.

Jawaabta madaxweyne Waare uu bixiyay ayaa u muuqatay mid ka weecineysa dowladda Hirshabeelle eeddda iyo magacaabista is daba jooga ah ee guddoonka maamulka gobolka Hiiraan,, isaga oo taa badalkeeda sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka looga baahan yahay in ay iyagu gartaan halka dhibaatadu ka jirto

''Qof kasta oo xil ka soo qabtay gobolkan markii la magacaabayay waxaa uu ahaa qof wanaagsan oo bulshada dhaxdeeda ixtiraam ku leh, laakiin marka xilka loo dhiibo sidaa ma sii ahaanayo, waa in aan ogaanaa ciladaas halka ay jirto,' ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Cali Jeyte Cismaan oo horay guddoomiye uga soo noqday gobolka oo khudbad ka jeedinayay munaasabadii xil wareejinta ee maalintii shalay ka dhacday xarunta maamulka gobolka oo soo hadal qaaday isbadbadalka joogtada ah ee lagu sameeyo guddoonka gobolka Hiiraan ayaa yiri''  Waxaan is leeyahay sababta uu madaxweynuhu isbadalkan mar walba u sameynayo. waxaa uu raadinayaa kii ugu mudnaa ee hoggaamin lahaa gobolka, sidaa daraadeed waxaa rajeynayaa in Cali Maxamed Caraale uu noqon doono qofkii isaga ah ee la doondoonayay''

Cali Maxamed Caraale ayaa noqonaya guddoomiyihii Lixaad ee gobolka Hiiraan uu mudadii ay jirtay Hirshabeelle, waxaana dad badani ay aamin-san yihiin in sababta ugu weyn tahay dhaqaalaha ka soo xarooda gobolka oo ay isku qabtaan habka loo maamulayo guddoomiyaha markaa xilka haya iyo madaxda ugu sareysa dowlad gobolleedka, taasoo keenta in deg deg xilka looga qaado guddoomiyaha. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]