4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
ONLF oo Xafiis ka furatay maanta Addis Ababa

 

Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta laga furay Xafiiska Ururka ONLF, Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda u saraysa Ururka ONLF oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Masuuliyiinta Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya. iyo Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Abba.

Haddaba Xafiiskan Ururka ONLF Addis Ababa ka furtay ayaa la filayaa inuu isku xidho ONLF iyo Dawladda Fadaraalka isla markaana uu qabto hawlo badan oo faa'iido u leh shacabka degaanka iyo Ururka ONLF. sidoo kale Xafiiskan ayaa ka shaqayn doona dhanka Arrimaha dibadda ee Ururka ONLF.
 

ONLF ayaa horey intii ayna bixin Xafiisyo ku lahayd degaanka iyo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, balse Xafiisyadaas oo dhan waxay xidhmeen kaddib markii Ururka ONLF xabadda qaatay ee uu dagaalka la galay dalkan Itoobiya, imika oo ay nabadda qaateen halgankiina ku badaleen qalin ayaa dib boodhka looga jafay Xafiisyadii ONLF ku lahayd Degaanka iyo caasimadda Addis Ababa.

Ururka ONLF ayaa hadda Xafiisyo ku leh meelo badan oo degaanka Soomaalida ka mid ah, waxaana ugu dambeeyay Xafiiska Addis Ababa oo maanta la furay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]