4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Sanaag: Mid ka mid ah beelihii ku dirirayey deegaanka Ceel afweyn oo gaadiidii hubku u saarnaa ku wareejisay Somaliland

Sabti, Luulyo, 13,  2019 (HOL) – Mid ka mid ah labadii beelood ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel afweyn ayaa dawladda ku wareejiyey gaadiidkii iyo hubkii sida sharci darada ah  u haysteen.

Odayaasha u hadlay beeshan gaadiidka Tiknikadda ah wareejinaysa ayaaa sheegtay inay qaadatay amarkii ka soo baxay madaxweynaha ee ahaa in la soo wareejiyo gaadiidka dagaalka ee ay haystaan beeluhu, isla markaana go’aankaasi ay fulinayaan.

Munaasibadii gaadiidkan lagu wareejinayey waxa ka soo qyabgalay cuqaasha beeshan, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beeshan, waxaana lagu wareejiyey saraakiil ka socota Militeriga Somaliland oo gaadiidkii hubku saarnaa kala wareegay.

Sidoo kale, waxay ku baaqeen si deegaanku nabad unoqdo in beesha kale ay nabadda qaadato.

“Gaadiidkan Tiknikada ahayd anaga lahayn oo qaadhaan aan iska ururinay baan ku iibsanay, waxaana u iibsanay si aanu iskaga ilaalino cadowga meelaha fog fog ka imanay balse shicib iyo Somaliland toona uma iibsan in aanu ku waxyeelayno”ayuu yidhi mid ka mid ah odayaashii madasha ka hadlay.

Sidoo kale,, saraakiisha Ciidanka Militeriga Somaliland ayaa ku amaanay odayaasha iyo waxgaradka gaadiidka Tiknikada ah ku soo wareejiyey dawladda.

Si kastaba ha ahaatee, beeshan hubka wareejinaysa ayaa si iskood ah u gartay inay gaadiidkaasi dawlada ku wareejiso, taasina waxay horseedaysa in beesha kale iyaduna jidkaasi ay marto.

 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland