3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii Kismaayo

Sabti, July, 13,2019 (HOL)-  Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii galinkii dambe ee shalay ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.

"Waxaan tacsi u tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaadhay gaadhay halkaasi." ayuu yiri xog-hayaha Qaramada Midoobay, António Guterres.

Afhayeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Stephene Dujarric ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.

Dhinaca kale, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira oo weerarka cambaareeyay ayaa ku tilmaamay mid la doonayo in dib loogu dhigo horumarka iyo dib u dhiska dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sii xoojinayo guulaha laga gaaray nabada iyo xasiloonida dalka.

"Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah." ayuu yiri Amb Francisco Madeira.

26 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka oo ay mas'uuliyadiisa sheegteen kooxda Al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/13/2019 2:40 PM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta laga furay Xafiiska Ururka ONLF, Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda u saraysa Ururka ONLF oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Masuuliyiinta Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya. iyo Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Abaa.

7/13/2019 1:37 PM EST
Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.

7/13/2019 11:12 AM EST
Sabti, Luulyo, 13, 2019 (HOL) – Mid ka mid ah labadii beelood ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel afweyn ayaa dawladda ku wareejiyey gaadiidkii iyo hubkii sida sharci darada ah u haysteen.

7/13/2019 11:04 AM EST
Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Diyaarad nooca milatariga ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka dajisay wafdi ka socda dowladda Qatar oo isugu jira mas'uuliyiin ka socda wasaaradda gaashandhigga iyo saraakiil ciidan.

7/13/2019 8:16 AM EST
Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Munaasabadan xil wareejinta ah oo aheyd mid siweyn loo wada sugayay ayaa ugu danbeyntii ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ay ka qeybgalleen mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

7/13/2019 7:56 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in markab xoolo siday oo Berbera ka baxay ku xaniban yahay dekada Jidda ee Sucuudiga Carabiyo ka dib markii xukuumada Soomaaliya cadaadis ku saarto in xoolahaasi dib loo celiyo.

7/13/2019 7:50 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Koranto la'aantan ayaa sababtay ka dib markii wado ku beegantay xarunta wershada korantada cagafna la geliyey deyrka kore.

7/13/2019 5:46 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarkii Al-shabaab ee shalay lagu qaadey Hoteel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo.

7/13/2019 5:15 AM EST
Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda faray si degdeg ah inay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

7/13/2019 4:43 AM EST
Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa markii u horreeysay faahfaahin ka bixiyay khasaaraha weerarkii galinkii dambe lagu qaaday hotelka Cascaseey.

7/13/2019 3:37 AM EST
Magaaladda Toronto ee dalka Canada waxaa shalay ka furmay ciyaaraha Todobaadka Soomaalida Canada oo sanadkii 29aad lagu qabanayo magaaladaas,waxaana sanad walba xiligaan oo kale hawshaa qabanqaabadeeda si buuxda u gala ururka horemarinta dhalinyarada ee TODAY

7/13/2019 2:02 AM EST
Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw ay heshay Hiiran Online ayaa sheegaya in dadkii ku dhintay qaraxyadii iyo weerarkii lagu qaaday hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo uu ka mid noqday Ganacsade Mahad Cabdulaahi Nuur Garguurte.

7/13/2019 1:15 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa wali kacsan kadib markii koox hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabab ay shalay galab ay weerar xooggan ay ku qaadeen Hoteel ku yaala magaalada Kismaayo.