4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Kismaayo: Wararkii u dambeeyay ee weerarkii hotel Cas-caseey


Jimco, July, 12, 2019 (HOL) -  Ciidammada amniga ee Jubbaland ayaa ku dadaallaya sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada xarunta kumeelka u ah maamulka ee Kismaayo, halkaa oo galinkii dambe weerar ku billowday qarax gaari lagu qaadday hotel Madiina (Ex Cascaseey).

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa geeriyootay, dhaawacana wuxuu ku dhow yahay 50, sida  laga soo xigtay saraakiil amniga iyo kuwa caafimaadka ee magaalada Kismaayo.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarka, waxaana wali gudaha hoteelka ku jira ilaa lix dagaallame oo kooxda ka tirsan,kuwaaso bombaanooyin ku soo tuuraya ciidammada amniga ee ku hareereeysan hoteelka. 

Warar kale oo laga helay ilo ku dhow hoteelka ayaa sheegay ciidammada amniga inay gudaha u galeen inta badan qeybaha hoteelka, halkaa oo laga soo saaray dad badan oo ay ku jiraan odayo dhaqameedyo magaalada u tagay hawlaha doorashada Jubbaland.

Magacyada la aqoonsaday ee ilaa hadda warbaahinta maxalliga ah ay sheegtay inay weerarka ku geeriyoodeen, waxaa ka mid ah suxufiyad caan ah oo bulshada Soomaaliyeed ay xushmeyso, Hodan Naalaye, waxaa kalo la sheegay inuu geeriyooday seygeeda oo la oran jirey Fariid Jaamac oo mar wasiir ka soo noqday Jubbaland. Shaqsiyaadka kale ee la sheegay inay weerarka ku dhinteen waxaa ka mid ah weriye Maxamed Sahal Cumar oo loo yiqiin Gacmadheere, wuxuu ka howlgali jiray telefishinka maxalliga ah ee SBC iyo raadiyaha Qaramada Midoobay ee ka warrama arrimaha bani'aadanimada ee Ergo.

Dad kale oo aan nolal iyo geeri lagu heyn ayaa sidoo kale jira, waxaa ka mid ah Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo horey u ahaa xildhibaan iyo wasiir federal ah oo haddana ahaa musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa isbitaalka ku booqday qaar ka mid ah dadkii weerarka ku dhaawacmay, sawirro la soo qaaday waxay muujiyeen qof u muuqday ajanabi oo dhaawac ah.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Jubbaland in dadka qaba dhaawacyada culus ee aan dalka waxba looga qaban karin in dibadda loo qaadi doono, isagoo ciidammada amniga ku ammaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka degganaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre ayaa cambaareeyay weerarka , waxa uu tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qoysaska ay baxeen dadkii ku dhintay weerarka.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidadamada Qaranka ee ku howlan soo afjaridda maleeshiyada argagixisada ah." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkii dambe aad u wanagsanaa, waxaana magaalada taalla ilaa 15 goobood oo dadka iyo gaadiidka lagu baaro oo ciidammo kala duwana ay joogaan, balse taas kama celin kooxda weerarka qaadday inay gaari ku qarxiyaan kaddibna gudaha u galaan hoteelka.

Wuxuu weerarka ku aadday xilli ay la ciirciireyso magaalada Kismaayo tiro badan oo dad ah oo doorashada u yimid, taaso ka dhigtay hoteelada iyo goobaha ay dadku isugu yimaadan mid mashquul badan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]