4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2019
Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka heshiiyay khilaaf u dhaxeeyay

Jimco, July, 12, 2019 (HOL) -  Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ku shaaciyay in laga heshiiyay khilaaf u dhaxeeyay.

Shirka jaraa'id waxaa ka soo muuqday, guddoomiyaha golaha shacabka , ku-xigeenkiisa koowaad , guddoomiyaha golaha Aqalka sare iyo ku-xigeenkiisa.

" Bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka waxan u sheegeynaa laga billaabo caawa in labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed si wadajir ah ayay u wada shaqeyn doonaan." ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

"Wixii kale ee howle ah oo jira in xal loo raadiyo, sida in xeer hoosaad loo sameeyo labada Aqal oo ay wada leeyihiin iyo in la dhiso guddiyada labada gole." ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare,Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ayaa dhankiisa sheegay  kaddib dood ay ka yeesheen arrimaha khilaafka dhaliyay inay si wadajir ah u go'aansadeen in dib loo billaabo wadashaqeynta labada Aqal.

"Arrintan muddo dheer ayay dadka Soomaaliyeed sugayeen, waxaan caawa u sheegaya howshaasii inay billaabatay oo aan ka heshiinay in howshii si rasmi ah oo wadajir ah u billowno." ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.

Muddo ayuu hakad ku jiray wadashaqeynta labada gole ee Baarlamaanka, taas oo wal wal badan laga muujinayay, maaddama ay jiraan sharciyo muhiim ah oo dastuurku uu ka mid yahay oo ay tahay labada gole inay ka wada shaqeeyaan, balse ku dhawaaqista caawa ee la xiriirta inay dib u wada shaqeynayaan labada gole ayaa arrin muhiim ah mar horaba lagu tilmaamay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]