4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Al Shabaab oo sheegatay weerarka ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo



Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, iyada oo dad goobjoogayaal ah laga soo xigtay inay rag hubeysan gudaha hoteelka ka dagaallamayaan.

Ciidammada amniga Jubbaland ayaa hareereeyay hoteelka , balse ma jirto warbixin rasmi ah oo soo baxday hay’addaha amniga.

Hoteelka uu weerarka ka dhacay ayaa inta badan waxaa degga xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta Jubbaland iyo qurbajoog, ma cadda inay mas’uuliyiin weerarka wax ku noqdeen.

Wuxuu ku soo aadday weerarka xilli Jubbaland ay u diyaar garoobayso doorashada madaxweynaha ee dhacaysa dabayaaqada sannadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]