4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Isku day afgembi oo ka dhacay dalka Suudaan

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Golaha milatariga ee dalka Suudaan, ayaa sheegay inuu dhacay isku day afgembi oo laga hortagay.

Jen. Jamaal Cumar oo u hadlay milatariga talada haya, ayaa xaqiijiyay in tiro dad ah loo xiray isku dayga afgembi ee ka dhacay Suudaan, waxaana shakhsiyaadkaasi ka mid ah saraakiil ciidammada ka tirsaneyd oo howlgab ah iyo kuwo horey uga ka tirsanaa sirddooonka iyo laamaha amniga Suudaan.

Waxaa uu inta ku daray isku dayga afgembi looga gollahaa in lagu hor istaago heshiiskii awood qeybsiga ahaa ay dhawaan wada gaareen golaha sare ee militariga iyo Isbaheysiga mucaaradka.

"Waxaan aragnay dad halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin kooxo diiddan waxyaabaha ay doonayaan shacabka." ayuu yiri Jen Cumar.

"Ciidammada waxay awood u yeesheen in laga hortago isku dayga ," ayuu ayuu yiri ku daray , laakiin ma uusan sheegin markii uu dhacay isku dayga afgembi.

Afgembiga laga hortagay ayaa noqonaya midkii saddexaad oo ay sheegeen golaha talada kala wareegay madaxweynihii muddada dheer dalka xukumayay Suudaan ee Cumar Al Bashiir inay fashiliyeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]