Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii xoogag ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow,waxaana goobjoogayayaal ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad gobolleedka Jubband ayaa warbaahinta u sheegay in ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.
Al-Shabaab ayaa laakiin dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland,balse waxaan weli ka hadlin sheegashada Al-Shabaab saraakiisha ciidamada Jubbaland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]