3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Khilaafkii maamulka gobolka Hiiraan oo la soo afjaray

 

Jimco,  July, 12, 2019 (HOL)–Ugu danbeyntii waxaa la soo afjaray ku dhawaad bil khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan kaa oo ka dhashay xil ka qaadistii madaxweynaha dowladda gobolka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka oo maalmihii ugu danbeeyay u joogay magaalada Beledweyne xalinta khilaafka iyo sidii nabad-galyo xilka leysugu wareejin lahaa ayaa ku guuleystay xalay in ay isku keenaan guddoomiyaha magacaabay Cali Maxamed Caraale iyo guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Nuur Iidoow Belye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka sida weyn isugu howlay soo afjarida khilafkan ayaa Hiiraan Online u sheegay in ugu danbeyntii gudoomiyihii hore ee gobolka ku  qancay in uu u hoggaansamo sharciga.

 

‘’Dabcan maalmihii aan halkan joognay wax kale oo shaqo ah ma qaban, waxaan ku howlaneyn sidii arrintan loo dhameyn lahaa, ugu danbeyntiina waxaan ku qancinay Yuusuf Dabageed in uu sharciga u hoggaansamo xilkana ku wareejiyo guddoomiyaha cusub, isagana wuu naga aqbalay’’ ayuu yiri Xildhibaan  Nuur Iidoow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 13ka bisha July maalin  Sabti la qaban doono munaasabada xil wareejinta, isaga oo dhinaca kale bulshada gobolka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada.

Khilaafkan siyaasadeed ee ka dhashay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed  ayaa waayadii ugu danbeeyayba ahaa mid ka mid ah qoddobada loogu hadal heynta badan yahay guud ahaan marka la eego siyaasadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 


 













Click here
7/12/2019 4:55 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Ciidammada amniga ee Jubbaland ayaa ku dadaallaya sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada xarunta kumeelka u ah maamulka ee Kismaayo, halkaa oo galinkii dambe weerar ku billowday qarax gaari lagu qaadday hotel Madiina (Ex Cascaseey).

7/12/2019 4:04 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ku shaaciyay in laga heshiiyay khilaaf u dhaxeeyay.

7/12/2019 3:29 PM EST
jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dadkii caawa ku dhintay weerarradii iyo qaraxyadii lagu qaaday Hotelka Cascaseey ay mid noqotay Wariye Hodan Naaleeye.

7/12/2019 1:58 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Turkiga ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu dalkeeda soo gaaray gantaalaha difaaca ee S-400, sida laga soo xigtay wasaaradda Difaaca.

7/12/2019 1:53 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali laga maqlayo hoteel Cascaseeey ee weerarka lagu qaaday rasaas goosgoos ah oo ay is weydaarsanayaan kooxo hubeysan ee ciidamada Jubbaland.

7/12/2019 1:30 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay odayaasha u xil saaran adkeynta nabadda iyo is-dhex galka bulshada ku nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

7/12/2019 12:23 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

7/12/2019 11:59 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax xooggan.

7/12/2019 7:49 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Liibiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hub lagu farsameeyay dalka Faransiiska uu u gacan galay mucaaradka.

7/12/2019 7:10 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wareejisay guddiga dib u dhiska garoonka cayaaraha Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhaqaalo ka qeybqaadanaya dhammeystirka garoonka, sida laga soo xigtay xubno guddiga ka mid ah.

7/12/2019 7:04 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

7/12/2019 6:53 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Golaha milatariga ee dalka Suudaan, ayaa sheegay inuu dhacay isku day afgembi oo laga hortagay.

7/12/2019 4:50 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.