4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay inay gacan ku dhigeen rag doonayay inay weeraro fuliyaan

Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa maanta shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay Rag qorsheynayay weeraro iyo hubkii ay wateen,kaddib howlgal ay ciidammada amniga ka fuliyeen dulleedka Muqdisho.

Labo nin oo lagu soo qabtay howlgalka ayaa lagu sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay doonayeen dilal ay ka fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgalka ayaa inta uu socday, waxaa kalo gacanka lagu dhigay labo ruux oo iyaguna ka tirsanaa shirkad ganacsi , sida uu sheegay taliska NISA.

"Hawgal ay hay’adaha Amnigu ka fuliyeen bannaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan Al-Shabaab iyo hubkooda, iyagoo  maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale  ka ah shirkad ganacsi." ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga twitterka ee taliska NISA.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]