Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Waxaa hoolka Shirarka ee Kaali ka
furmay maanta Shir lagu qiimaynayay hoggaaminta DDS ee heer degaan, gobol,
degmo iyo maamul magaalooyin.
Shirkan qiimaynta ah oo lagu
qiimaynayay waxqabadka10kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa hoggaaminayay
Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar, ku xigeenkiisa Aadan Farax. iyo Madaxa Xarunta
dhexe ee XDS Maxamed Shaalle.
Haddaba qiimayntan ayaa lagu eegayay
siday hoggaamintu u shaqeeyeen, daldaloolooyinkii dhanka shaqo ee jiray iyo
caqabadihii hor taagnaa shaqooyinka qaar ee ay u qabsoomi waayeen 10kii bilood
ee lasoo dhaafay.
Shirkan qiimaynta ah ayaa socon
doona ilaa 10 maalmood waxaana gabagabada Shirkan la isla meel dhigi doonaa
qaab shaqeedka sannad 2012 Tirsiga Itoobiya iyo waliba sidii loo wajihi lahaa
qorshaha sannadkaas ee dawladda u yaalla.
Shirkan ayaa kusoo hagaagaya xilli
maalmahan Shirar uga socdeen magaalada Jigjiga Baarlamaanka DDS oo lagaga
hadlayay qodobo muhiim ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]