4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo


Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo.

Kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay bulshada ayaa looga hadlay xoojinta nabad gelydada iyo isdhex galka Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyo ka shaqeynta guud ahaan horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaan dhinacyada uu maanta kulanka kula qaatay Gaalkacyo ku bogaadiyay hannaanka wanaagsan ee xasilinta magaalada ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda Midnimada, wadajirka iyo adkeynta amaanka.

Shalay ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaan, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]