4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2019
Wasiir Goodax oo saxiixay mashruuc horumarinaya waxbarashada


Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay'adda ADRA iyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Soomaaliya.

Wasiir Goodax, ayaa ka hadlay mashruucaan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

"Waxaan maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay'adda ADRA iyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta Sare. mashruucaan ayaa waxaa laga fulin doonaa dhammaan gobollada dalka oo idil." ayuu yiri Cabdullaahi Goodax.

Waxaa daah-furka goobjoog ka ahaa hay'adaha ay ka mid yihiin USAID, Midowga Yurub, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA.

Mashruucaan ayaa waxaa laga fulin doonaa dhammaan gobollada dalka oo idil.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]