4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Safiirka Ingiriiska u fadhiyay dalka Mareykanka oo is casilay

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -  Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiyay dalka Marekanka, Kim Darroch ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka tagayo.

Is-casilada safiirka ayaa timid markii dhowaan la baahiyay hadal uu ku dhaleeceeyay maamulka madaxweyne Donald Trump, taaasi xiisad ka dhex dhalisay labada dal.

Danjire Kim Darroch , ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku muujiyay inuu ka qoomameynayo hadalladii uu yiri ee toddobaadkan aadka loo hadal hayay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay ku tilmaamay safiirka inuu yahay qof doqon oo maraan ah.

"Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay" ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Darroch uu xafiiska sii joogayo inta laga soo magacaabayo safiirkii bedeli lahaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]