4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Hay’adaha Amniga oo soo bandhigay Dukumiintiyo been abuur ah


Arbaco, July, 10, 2019 (HOL)- Hay'addaha ammaanka ayaa howlgallo ay fuliyeen toddobaadyadii u dambeysay waxaa ay ku soo qabteen dukumiintiyo been abuur ah iyo qalab si rasmi ah maanta loo soo bandhigay.

Qalabkaan ayaa hay’adaha amniga waxaa ay sheegeen in loo adeegsan jiray sameynta leysimada baabuurta oo been abuur ah iyo warqadaha canshuuraha,waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka,wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya,agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo taliyaha hoggaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha hoggaanka canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in sidoo kale qalabkaan loo adeegsan jiray sameynta,Fiisooyinka, Warqadaha Caafimaadka ee Isbitaalada iyo Waxbarashada oo Shahaadooyin lagu sameyn jiray.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ,Dr Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa sheegay in hay’addaha Amniga ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dadka ku howlan farsameynta dukumiintiyada been abuurka ah iyo waxyaabo kale oo lidi ku ah amniga.

Waxa uu sheegay in waajib ay tahay in tallaabo cad laga qaado dadka sameynaya dukumiintiyada lana ciribtiro,isagoo xusid mudan in hay’adaha Amniga aysan Maanta soo bandhigin dad lagu soo qabtay Dukumiintiyada been abuur ah iyo qalabkii lagu sameynayay.

Qeylo dhaanta la xiriirta wax ka qabashada dadka sida sharci darrada ah ku sameeya dukumiintiyada been abuurka ayaa ah mid mar walba ka taagan caasimadda Muqdisho, balse hadda hay'addaha ammaanka waxaa ay soo bandhigeen ballanqaad la xiriira inay meel walba uga dabatagi doonaan dadka arrimaha ka shaqeeya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]