4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Ra'iisul wasaare Khayre ma booqan doonaa waqooyiga Gaalkacyo?

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) - Is-waydiin la xiriirta ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre inuu booqanayo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xooggeysatay tan iyo markii uu gaaray koonfurta magaalada ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

Ma cadda ilaa hadda inuu tagayo ra'iisul wasaare Khayre waqooyiga Gaalkacyo, balse warar laga helayo deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro qorshe arrintaa la xiriira.

"Ra'iisul wasaaraha si la mid ah deegaannada uu booqday, waxuu doonaya inuu tago waqooyiga oo fagaare uu kula hadlo bulshada, indhihiisana ku soo arko barnaamijyo iska wax u qabso ah oo ka socda waqooyiga Gaalkacyo." ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

" Balse waxaa jira aragtiyo ka imaanaya dhinaca maamulka naga sarreeya oo doonaya in la xakameeyo kullamada iyo booqashada uu doonayo ra'iisul wasaaraha inuu ku yimaado waqooyiga, sida inaysan dhicin fagaare inuu hadal ka jeediyo ." ayuu ku daray sarkaalka oo magaciisa u qariyay inuusan fasax u heysan ka hadalka arrintan.

Bulshada deegaanka oo u badan dhallinyaro ayaa abaabul ugu jirta inay ra'iisul wasaaraha ku soo dhaweeyaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana mar horaba soo baxeysa inuu jiro ballanqaad la xiriira dhaqaalo ay dowladda ku kabeyso dhismayaasha iska wax u qabsada ah ee ka socda waqooyiga, gaar ahaan dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale.

Ma jirto war ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha oo meesha looga saaray is waydiinta la xiriira sida uu ku tagayo ra'iisul wasaaraha waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa muddo ku dhow labo toddobaad ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyada oo ujeeddada ugu weyn ee booqashada ay la xiriirto xal u helida khilaafka muddada ka taagan ee dowlad-gobolleedka Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]