4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2019
Booliska Ingiriiska oo billaabay baaritaanka gabar Soomaali ah oo ku geeriyootay Manchester

Arbaco, July, 10, 2019 (HOL) -  Booliska Ingiriiska ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay baarayaan sida ay u geeriyootay gabar yar oo Soomaali ah oo sannad ka hor tagtay dalkaas,waxaana khamiistii toddobaadkii hore meydkeeda laga helay wabi ku yaalla degmada Bury ee magaalada Manchester.

Shukri Cabdi, oo 14 jir ahayd ayaa geerideeda aad looga naxay, waxaana waalidkeed ay soo bandhigeen shakiga ay ka qabaan inaysan gabadhooda ku dhicin wabiga balse lagu riday.

Booliska ayaa sheegay inaysan jirin arrintaa, waxaana billowgii horaba ay muujiyeen sida ay uga cagajiidayaan baaritaano lagu sameeyo kiiska, balse cadaadis uga yimid bulshada ayaa qasbay in booliska uu shaaca ka qaado baaritaano dheeraad ah oo lagu sameynayo geerida gabadha yar.

Samsam Tuure oo ah hooyada dhashay marxuumada ayaa ku tilmaamtay ' qof deggan oo mar kasta ka fekera mustaqbalkeeda', waxaana sannadkii 2018kii ay ka soo baxeen qoyska ay gabadha ka geeriyootay xero qaxooti oo ku taalla Kenya, halkaasi oo ay tageen kaddib colaadihii ka qarxey Soomaaliya sannadkii 1991dii.

"Baaritaanka waa uu socdaa, balse waa xilli hore mase jirto wax muuniya in ay jiraan cid saddexaad oo ku leg lahayd dhacdada." ayuu yiri Andrew Naismith oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska magaalada Manchester oo sheegay natiijada kiiska inay la wadaagi doonaan qoyska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]