Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Paul Manafort ayaa xog ku saabsan codadka ra’yiga dadweynaha la wadaagay qof xiriir la leh sirdoonka Ruushka, sida ay shaaca ka qaadeen waraaqo maxkamadeed oo la diiwaan geliyey talaadadii.
Shaac ka qaadistan ayaa sii xoojineysa caddeymo isa soo taraya oo
muujinaya in ololaha Trump laga yaabo inuu isku dayay inuu la shaqeeyo
Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii madaxweyne ee 2016.
Si kastaba, dacwad oogayaasha federaalka ayaan weli wax kiis ah u sameyn inuu jiray shirqool uu ku lug leeyahay olalaha.
Dacwad oogayaasha kooxda la shaqeysa baaraha guud ee kiiskan Robert
Mueller, ayaa sheegay in Manafort uu ka been sheegay inuu xogtan la
wadaagay Konstantin Kilimnik. Konstantin Kilimnik ayaa ah nin u dhashay
dalka Ukarine oo xiriir la leh sirdoonka Ruushka.
Si kastaba, Manafort ayaa beeniyey inuu si ula kac ah u qariyey
arrintan, waxaana uu ku dooday inuu hilmaamay sababo la xiriira
mashquulkii badnaa ee uu ku guda jiray xilliga doorashada.
Kooxda Mueller ayaa baaraya faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen
doorashadii 2016, waxaana eedeymaha cusub ee ka dhanka ah Manafort ay
sare u qaadayaan suurta-galnimada ah in akhbaaraadkii uu siiyey ay
caawiyeen dadaallada Ruushka.
VOA