Arbaco, Janaayo, 09,
2019 (HOL) – Madaweynaha Turkiga ayaa gaashaan u daruuray hadalkii Mareeyknaka
ee ahaa in dalkiisa uu difaaco dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in
warbixinta la talihaya dhanka aminga ee Mareykanka John Bolton ay tahay mid aan
la aqbali karin.
Mr Bolton ayaa ku sugnaa magaalada Ankara si uu
Turkiga kaga xaqiijiyo badqabka dagaalyahanada Kurdiyiinta ee la dagaalamay
ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib marka ciidamada Mareykanka
laga soo saaro dalka Suuriya, Turkiga ayaa YPG u a aqoonsan in uu yahay urur
argagixiso.
Mr Erdogan ayaa maalintii Talaadada ahayd
xildhibaanada xisbigiisa talada haya u sheegay in uusan aqbali Karin oo aysan
ka dagayn farriinta Mr Bolton.
Waxa uu yiri Mareykanka ma garanaya cilaaqaadka
ka dhexeeya kooxaha kala duwan ee Kurdiyiinta.
"Haddii uu Mareykanka Kurdiyiinta u arko
walaalihis oo kale' markaa aad ayay u qaldan yihiin." ayuu yiri Mr Erdogan
Mudane Erdogan waxa uu YPG u arkaa in ay xiriir
la lee yihiin xisbiga Kurdiyiinta ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK, inkastoo
YPG ay iska fogeeysay in xiriir toos uu ka dhexeeyo iyaga iyo PKK.
Saraakiisha Mareykanka waxaa lagu war galiyay in
Mr Erdogan uusan la kulmi Karin Mr Bolton sabtoo ah waxaa jiray olole doorasho
deegaan iyo khudbadda madaxweynaha ee baarlamaanka.
Xigasho BBC