4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo loo doortay xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)-  Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ku  guuleystay doorashadii madaxweyne kuxigeenka Puntland, iyadoo jagada ay ku tartameen 11 musharrax.

Doorashada ayaa la isla soo gaaray wareegii saddexaad,waxaana isugu soo haray labada musharrax ee kala ah;

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash]  oo helay  47 cod

2- Cabdi Cismaan Qawdhan oo helay  19 cod

Natiijaddan  ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sanno ee soo socota.
Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xooggan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda.Karaash ayaa sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay maamulkii madaxweyne Gaas.

Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay.

Musharraxa looga guuleystay xilka madaxweynaha ku-xigeenka Cabdi Cismaan Qawdhan ,oo goobta ka hadlay codbixinta kaddib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay doorashada u dhacday.

Gabagabadii,Madaxweyne ku-xigeenka xilka ka degaya,Cabdixakim Camey oo golaha ka hadlay ayaa dhankiisana u hambalyeeyey madaxweyne ku-xigeenka cusub ee la doortay, Camey oo isaguna tartanka doorashada madaxweyne ku-xigeenka ka qaybgalay ayaa ku haray wareega koowaad si la mid ah madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas oo isna mar kale xilka u sharraxnaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]