4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland

 

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan  Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa  Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo  xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay  deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo  Ku-xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo  igmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]