4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Madaxweyne Biixi oo casuumad u sameeyey waxgaradka iyo cugaasha beel ka mid ah beelaha Somaliland


Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi oo  uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa madaxtooyada ku casuumay salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka, haldoorka iyo siyaasiyiinta beelaha Garxajis oo gobolada ka kala yimid.

Casuumadan ayaa ujeeddadeedu daarnayd sidii madaxweynaha iyo beeshani isku xog-warays lahaayeen, waxaana casuumadan ka soo qaybgallay ku dhowaad boqol ergay oo ka kala yimid gobolada Somaliland, kuwaas oo iskugu jiray 40 (Afartan) Chief Caaqil, 23 (Saddex iyo labaatan) suldaan, qaar kamid ah badhasaabada iyo maayarrada gobollada qaar ka mida iyo degmooyinka dalka, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo miisaan leh.

Xubno isugu jira salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelahan oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumadda uu ku maamuusay, waxana ay caddeeyeen inay si guud iyo si gaar ahba madaxweynaha ugu garab taagan yihiin tallaabooyinka horumarineed ee uu dalka ku hoggaaminayo.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Gudoomiyaha labaad ee Xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) ayaa iyaguna dhinacooda kelmado soo dhawayn iyo mahadnaqa halkaasi ka jeediyey.

Xubno kamid ah salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshan kasoo jeeda ee miisaanka leh oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Baane, Suldaan Aadan Faarax, suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Ugaas Xuseen Geelle, guddoomiyaha guddida Talo iyo Tawfiiq, Mudane Xasan Xuseen, Chief Caaqil Xuseen Xasan Cali, Caaqil Cabdiweli Jaamac, Cawil Yuusuf Dhiif, maayarka degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo casuumad uga mahad celiyey madaxweynaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si hagar la’aan ah ula shaqaynayaan xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii loo sixi lahaa wax kasta oo tabasho ka taagan tahay.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay beeshani kaga jirto qaranka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxan idiinku yeedhay inaannu idiinka mahadnaqno xukuumad ahaan, madaxweyne ahaan iyo weliba qaranka Somaliland intiisa badan inta qarannimada jecel, inta nabadda jecel iyo inta horumarka jecelba aniga oo ka wakiil ah waxannu idiinkaga mahadnaqaynaa hawlaha qaranka, gurmadka qaranka, difaaca qaranka iyo ilaalinta qaranka halka aad kaga jirtaan deegaan ahaan, gobollada halkaad ka joogtaan iyo halkaad ka deggen tihiinba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Beeshani waxba ma tabato’e way talisaa, beeshani ma cabato’e way dulqaadataa oo dadka ayey isku soo jiiddaa, kaalintaas ayeyna Somaliland ku leeyihiin, farriintayduna waa dalkan Somaliland marka uu difaac u baahdo xooggiisii baad tihiin, markuu talo u baahdona talo-qabeenkiisii baad tihiin, markuu dulqaad u baahdona gogoshii lagu soconayey baad tihiin oo idinku kuwii cadhoonayey ma tihidin, marka aad wax tabanaysaan ama in wax la saxo aad doonaysaan taladaad ku saxdaan.”ayuu yidhi Biixi.

Si kastaba ha ahaaatee, kulan ayaa daba socda safarkii uu ku tagay gobolada Bariga oo uu u ballanqaaday inay Hargeysa ku kulmi doonaan, waxaana qorshayaasha ay xukuumaddu ku doonayso inay ku xaliso xajiimooyinkii ay ka tagtay doorashaddii sanadkii 2017-kii ka dhacday wadanka oo wali riiqdeedii taagan tahay.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland