4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Codeynta wareegga koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo billaabatay

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa billaabay codeynta doorashada Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

Ilaa afar musharrax ayaa u tartamaya jagadda guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.Musharaxiinta u tartamaya guddoomiyaha ayaa ah:-

1 – Cabdirshiid Yuusuf Jibriil

2 – Abdijamal Cismaan Maxamed

3 -Abdirahman Cali Jibriil

4 – Abdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo)

Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ka hor codeynta soo bandhigay dhowr shuruud  oo ay ka mid tahay in la xiro albaabada xarunta golaha iyo inuusan jirin karin dhaqdhaqaaq xildhibaannada dhex dooda ah.

Baarlamaanka oo 66 xildhibaan ka kooban, ayaa sidoo kale dooran doona guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad.

Doorashadaan ayaa la sugayaa natiijadeeda ugu danbaysa illaa galabta oo la rajaynayo in ay soo gabagabawdo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]