4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Ilhaan Cumar oo loo dhaariyay xubin-nimada Congress –ka Mareykanka

 

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey in ay ka mid noqoto mudanayaasha xisbiga demoqraadiga ee Aqalka Wakiilada labada sano ee soo socota, markaasoo ay dib u tartami doonto.

Ilhaan waxa ay ka mid noqoneysaa Koongareeska 116-aad ee dalkan Maraykanka. Dadka Muslimka ah iyo Soomaalida Maraykanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey guusha ay Ilhaan gaartey.

Congresska 116aad ee dalka Maraykanka ayaa waxaa xubno ka noqday markii ugu horeysay labo haween ah oo haysta diinta Islaamka.

Nancy Pelosi oo ah haweeney hore Afhayeen uga soo noqotay Aqalka Congreska ayaa marka kale loo doortay inay noqoto guddoomiyaha Aqalka Congresska oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Marka ugu horeeysan guud ahaan  102 haween ah ayaa ka mid noqday aqalka congresska iyadoo 36 ay yihiin dumar ku cusub aqalka halka 43 ay yihiin dumar aan cadaan ahayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]