4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Mareykanka oo sheegay in duqeyntoodii ugu horeysay sanadkan ka fuliyeen gobolka Baay

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan bilowga ah ee 2019ka duqeyntoodii ugu horeysay gudaha dalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay.

Waxaa uu sheegay taliska in duqeynta oo gaar ahaan laga fuliyay deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle lagu dilay 10 ka tirsan dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

“Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom.

Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu ku beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]