4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Faah faahin la xiriirta iska horimaad dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL) –Ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa iska caabiyay weerar dhabogal ah oo ay xalay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan weerarka jigooyada ah lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ka soo anbabaxee dhinaca degmada Jowhar kuna soo jeedeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyaga oo galbinayay gaadiid kale oo ka tirsanaa isla howlgalka midowga Africa AMISOM.

Dagaal culus ayaa la sheegay in uu deegaanka Fiidow ku dhaxmaray ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab, waxaana la maqlayay hub culus oo ay labada dhinac isku weydaarsadeen iska horimaadka.

Ciidamada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay u tallaabay dhinaca gobolka Shabeellaha dhexe, iyaga oo halkaa ka soo galbinayay ciidamo kale uu AMISOM ah oo ku soo jeeday dhinaca gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]