4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
SAWIRRO: Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah u billaabatay

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash , ayaa goor dhow si rasmi ah uga billaabatay hool weyn oo ku dhex yeella xarunta madaxtooyadda Puntland ee duleedka magaalada Garoowe.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalaya, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labo madaxweyne oo xilka ugu horreeysay, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, xubno ka tirsan golayaasha dowladda federaalka, labo madaxweyne oo xilka ka soo qabtay Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, siyaasiyiin, madaxda dowlad-gobolleedyada,wakiilo iyo safirro ka socda beesha caalamka iyo xubno ka socda qaybaha bulshada.

Iyadoo isha lagu hayo khudbadaha laga jeedinayo xafladda, ayaa haddana waxaa la sheegay iny munaasabadda ka dhowrsantahay arrimo siyaasadeed iyo hadallo xanaf leh, sida ay HOL u xaqiijiyeen guddiga qaban qaabada xafladda.

Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuusan wax hadal ah xafladda ku lahayn, halka madaxda dowlad-gobolleedyada uu ka codsaday madaxweynaha Puntland inaysan hadalladooda ku soo darin khilaafka dowladda federaalka.

Waxaa lagu tilmaamay xafladda caleema-saarka middii ugu miisanka weyneyd ee Soomaaliya muddooyinkan, marka loo eego dadka ay kulmisey iyo ka soo qaybgalayaasha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]