4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan khudbad ka jeedin doonin xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaanan wax hadal ah ka jeedin doonin xafladda ka socota xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe oo lagu caleema-saarayo madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur , oo hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay kulan uu la qaatay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ka codsaday inuusan wax khudbad ah ka jeedin xafladda, isagoo inta ku daray in go'ankan uu la xiriiro shuruud ka timid dhinaca dowladda federaalka, sida ay ku warrantay idaacadda VOA-da.

Munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow si rasmi ah u billaabatay , waxaana ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Garoowe maanta gaaray  iyo labo madaxweyne oo xilka ugu horreeyay.

Waxyaabaha aadka isha loogu hayo ayaa waxa ugu horreeya khudbadaha xafladda laga jeedin doono, waxaana la sugayay inuu munaasabadda hadal ku yeesho siyaasiga inta badan dhaliila hoggaaminta madaxda dowladda federaalka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wallow ay hadda baahisay VOA-da inuusan wax hadal ah ku lahayn xafladda.

Warar kale oo ay munaasabadda ka heshay HOL, ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Puntland uu ka codsaday madaxda dowlad-gobolleedyada inaysan soo hadal qaadin khilaafka dowladda federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]