4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Abiy Ahmed oo la kulmay madaxweyne Cagjar iyo hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad deegaanka Soomaalida

 

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Ahmed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa xalinta khilaafka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bartiisa Twitter –ka soo dhigay qoraal kooban uu kaga hadlayo in la xaliyay khilaafkii waayadii ugu danbeeyayba ka taagnaa dowlad deegaanka.

Bogga Twitter –ka Ra’iisal wasaaraha ayaa la soo dhigay Ra’iisal Wasaare Abiy oo la taagan madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo guddoomiyaha xisbigga tallaada hay Ahmed Shide oo toddobaadyadii ugu danbeeyay uu soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya kaa oo ragaadiyay howlihii kala duwanaa Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa isu keenay labada Mas’uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay, waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka, jihada ay tahayna loo maro.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa todobaadyadii u dambeeyay la kulmayo caqabado siyaasadeed oo uga imaanayay hoggaanka xisbiga talada haya.

Dhowr jeer oo hore ayaa madaxweynaha looga yeeray xafiiska ra’iisal wasaare Abiy ee magaalada Addis Ababa oo looga wada hadlayay xali u helida khilaafka labada mas’uul.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]