Khamiis, Janaayo, 24, 2019
(HOL)- Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay xalay weerar ku qaadeen guri uu
magaalada Baydhabo ka degenaa xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan oo ka mid ah
baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.
Weerarka oo loo adeegsaday
Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux, kuwaa soo loola
cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo, dadka dhaawaca ah laba ka mid ah
waxaa dhalay Xildhibaan Carfo, halka qofka Saddexaadna uu yahay Askari guriga
ilaalo ka hayay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in
qaraxa bambaanada kaddib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen Askarta guriga
joogtay, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta.
Xildhibaanka ayaa weerarka ku eedeeyay in ay ka
danbeeyeen Kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in uu ka maqnaa guriga, xilliga la
weerarayay.
Xildhibaan Carfo ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddiga
Doorashada Koofur Galbeed, inkastoo markii dambe uu iska casilay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]