Dowladda oo sheegtay in inta badan ganacsatada Soomaaliyeed lacago siiyaan Al-shabaab
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in inta badan ganacsatada
Soomaaliyeed lacago sida uu hadalka u
dhigay naftooda ku furanayaan siiyaan Ururka Al-shabaab
Wuxuu sheegay in arintan tahay
wax cad oo aan qarsooneyn’’ Goob ganacsi oo furan oo aan lacag laga qaadin wey
yartahay, si toos ah ayeeyna ganacsatadu inoogu sheegayaan in sababta ay
lacagaha u bixinayaan tahay in ay naftooda ku badbaadiyaan’’ ayuu yiri
Wasiirka.
Wasiir Maareeye ayaa intaa ku
daray in Ururka Al-shabaab xukunkooda ugu danbeeya uu yahay dil, sidaa
daraadeed u muuqdaa ganacsatadu kuwo
naftooda u baqaya, laakiin waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba
arintaa raali ka aheyn.
Wasaarradda Amniga ayuu ugu baaqay in ay wax ka
qabato dhaqaallaha la siiyo Ururka
Al-Shabaab ee ka soo gala dhanka ganacsatadda Soomaaliyeed.
Inkastoo Dowladda Soomaaliya inta badan maamusho
magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka, haddana waxaa muuqata in wali
Al-shabaab siyaabo kala duwan saameyn ugu leeyihiin deegaannada ay dowladdau
maamusho oo ay ka qaadaan dadka ku dhaqan gaar ahaan ganacsatada lacago
taakuleyn ah, halka sidoo kale bulshada ku dhaqan deegaannada ay dowladdu
maamusho dacwadahooda u gudbiyaan maxkamada Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore uga
digtay bulshada ku dhaqan dhulka ay maamusho in ay taakuleyn siiyaan
Al-shabaab, sidoo kalana cadaallad u doontaan, maxkamadahooda, arintaa oo ay
dowladdu ku tilmaamtay danbi ciddii lagu helana sharciga lala tiigsan doono.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]