4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la Kulmay Wafdi ka socday Bangiga Aduunka

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda Bangiga adduunka oo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,iyagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka maaliyadda dalka.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay ,Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga adduunka ee bariga Afrika iyo  Hugh Riddle oo isna ah wakiilka Soomaaliya ee Bangiga adduunka.

"Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka , Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hannaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka".ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle.

Bangiga adduunka ayaa ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada dowladda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]