Madaxweyne Farmaajo Erayo jees jees ah ku weerarray xildhibaannadii mooshinka ka keenay sanadkii hore, Akhriso
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad
ka jeedinayay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiggii
Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa erayo u muuqday jees jees laakiin uu ku sheegay
in ay kaftan ahaayeen hawadda u marayay xildhibaannadii mooshinka ka keenay.
Madaxweynaha oo markii ugu horeysay ka hadlay
mooshinkii dhawaan laga keenay ayaa sheegay in xildhibaannadda mooshinka soo
gudbiyay ahaayeen kuwo ka tirsanaa dowladdii Qabyo…. Sidaa daraadeed
mooshinkoodana uu ahaa mid Qabyo oo aan dhameystirneyn.
Waxaana uu yiri madaxweynuhu’’ Markii aan ka war
helay Mooshinka waxaan soo wacay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo waxaan ku Iri…Guddoomiye Mooshin
baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yiri waa i hor-yaalaa.. waxaan Iri sidee
ayuu u egyahay.. Wuxuu Igu yiri aan kugu
soo celiyo, warqadihii ayuu rogrogay… wuxuu i yiri nambrkaas waaye, waxaa ku iri
yaa ka dambeeya, wuxuu i yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo
Qabyo.. Ma Qabyada isla ogeyn, waa Qabyo, waxaa ku ogeyn wax walba in ay qabyo uga
tagaan bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay
saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018,
waxaan ku iri see ay isku waafaqeysa, wuxuu yiri, waxay arkayeen waxa soo
socda sanad ka bacdi, waxaan ku Iri qalad kale maku jiraa, wuxuu yiri saxiixa
waxaa ka maqan taariikhda, waxaan ku Iri sidee taariikhda qofka ku iloobay,
waxaan ku iri maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo
dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri waxaan ku Iri
guddoomiyaha oo maxey tahay arintan maxaa looga dan leeyahay ilee waa Qabyee…
Wuxuu igu yiri waxey leeyihii Qabyo Ninkeedaa dhameystira…Waxaa ku Iri taasi
sow 2016kii ma aheyn… Wuxuu igu yiri Maya ee waa 2019….Waayahay ee Maxey rabaan
ayaa ku Iri guddoomiyaha….Wuxuu igu yiri waxey rabaan in guddiga hanti isku
celinta lagu darro si ay iyagu u maamulaan…in ay ka shaqeeyaan Isku soo
dhawaanshaha Shacabka iyo dowladda...In ay dhameystiraan heshiisyaddii horey u
jiray….In Kanaalkii aan sheegay ayaan dhaweyd ee aan soo xiray loo soo daayo oo
Beerta lagu fasaxo…Waxey rabaan ayuu yiri in ay ka shaqeeyaan hufnaanta
Dhaqaallaha…In ay ka shaqeeyaan oo ay joogteeyaan bixinta Mishaarka…Tan ugu
danbeysa waxey doonayaan in ay soo celiyaan sharafkii Umadda Soomaaliyeed..
ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha.
Inkastoo madaxweynaha markii uu khudbadiisa bilaabay
sheegay in uu kaftamayo.. haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxweynuhu
weerar toos ah ku qaaday xildhibaannada ka soo horjeeda hoggaankiisa ee ku jira
Golaha Shacabka.
Xildhibaannada madaxweynaha mooshinka ka keenay
sanadkii hore laakiin markii danbe ka tanaasulay ayaa madaxweynaha ku eedeeyay
in uu gallay Qiyaanno Qaran kuna xad gudbay sharuucda dalka sidaa daraadeed
mudan yahay in uu xilka isaga taggo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]