4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Puntland: Dhulka dowladda oo laga mamnuucay dhismaha

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xilka maanta la wareegay ayaa joojiyay dhulka dowladda in laga dhiso dhismayaal sharci darro ah, sida ku cad wareegto uu goor dhow baahiyay xafiiska madaxweynaha.

Wareegtada ayaa ku socotay taliyaha ciidanka booliska Puntland,iyadoo la ogeysiiyay duqa degmada Garoowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Hoos ka akhri wareegtada;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]