4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo xilka la wareegay

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manata si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore Cabdiweli Gaas,kaddib  munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

"Waxaa farxad wayn ii ah iyo maamuus inan si rasmi ah xilka ugu wareejiyo, madaxweynaha la doortay ee Siciid Deni". ayuu yiri Cabdiweli Gaas oo inta raaciyay " Waxaan dhammaan hay'adaha dowladda iyo saraakiisha ciidammada si xushmad leh uga codsannaya in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub .. waxaan kalo ka codsanaya dadweynaha Puntland in madaxweynaha la siiyo waqti ,la-garab galo loona duceeyo .. Waxaan u caddaynaya madaxweynaha inan diyaar u ahay wixii tallo iyo tabar ah ee uu iga baahdo , waxaan u rajeynaya shacab weynaha Puntland horumar,baraare iyo nabad waarta".

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale cafis waydiistay dadweynaha reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka mahadceliyay sida wanagsan ee xilka loogu wareejiyay, waxa uu xaqiijiyay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa bulshada Puntland, horayna loogu socod-siin lahaa mashaariicda horumarineed.

"Madaxweynaha waxaan kala wareegay si rasmi ah dhammaan document iyo qoraaladii ay dowladda ku shaqeynaysay, kuwa la ogaa iyo kuwa qarsoon intaba , xog maanta Puntland ay leedahay oo annaga naga qarsoon ma jirto, si rasmi ah ayuu noogu wareejiyay ... Anagana waxaan rajeynaynaa wixii sir dowladeed ah inan xafidno , wixii mashaariic ah horay u sii wadno, wixii aan u aragnay in aan wax ka bedelno si ay u qurux badnaato maamulka Puntland aan ku soo siyaadino". ayuu yiri madaxweynaha cusub Siciid Deni.

Waxa uu ka dalbaday shacabka Puntland inay midnimada iyo wadajirka ka shaqeeyaan oo dowladda la garab istaago, isagoo dhanka kale ballanqaaday in maamuuska ay mudanyihiin ay mar walba ka heli doonan madaxdii hore "Xilalku in lakala wareejiyay un weeye ee lama kala guurin" ayuu yiri.

"Markan dib u fiirino oo waxa ka qaldan wax ka beddelno dhinaca maaliyadda ,mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda waa waxa ugu horreeya ee khasnadda dowladda ka bixi doona" ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo inta ku daray " Waxaan kalo halkan ka caddeynayaa haddii Illaahay idinka ka dhigo, cid kasta oo ku xadgudubta qaanuunka iyo shuruucda u taalla dalka haddey noqoto mid maaliyadeed iyo mid maamulba talaabo deg deg ah ayaan ka qaadi doonaa.. Cid aan uga haybaysan doona ilaalinta sharciga ma jiro doono, qof walba u diyaar garow  waxa uu sharciga qabo, qofka waxa uu sharciga qabo ayaan ku wada dhaqmi doonaa.. waadna arki doontan wax kasta oo qalooc ku ah  ama dulqaadkii uu madaxweynaha soo sameeyay, runtii markan sheekaysanay dulqadkiisii wuxuu isku beddelay eedeyn, ma rabo taas oo kale inay igu dhacdo, waxaan rabaa wixii sharciga uu qabo inan ku camal falno, qof walbana waxa uu mudanyahay uu helo".

Madaxweyne Deni oo la doortay siddeedii bishan Jannaayo ayaa lagu wadaa inuu dhawaan magacaabo xukumad cusub, isagoo ballanqaaday inuu la imaan doono waxqabad muuqda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]