4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2019
Baarlamaanka oo meel mariyay xeerka wax ka badalka maamulka Bangiga Dhexe

 

Isniin, Janaayo, 14, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130aad  ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah,  kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga  Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon  ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.
 
Wixii faah faahin waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]