Wasiirka Maaliyadda oo daah furay isticmaalka Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2019ka
Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)- Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda
Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib
munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb
galeen mas’uuliyiin kala duwan .
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka
Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale
Beyle oo maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda
Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dowladda
Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka .
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda
Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii
dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay
in midda 2019 si lamid ah iyo si kasii hagaagsan loo isticmaalo,
Dadaalka ay wadda wasaaradda
Maaliyaddda Dalka marka laga soot ago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo
kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago
cusub loogu soo daabici lahaa .
Dhawaan ayay ahayd markii
Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019,iyadoo
maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono .
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]