4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Guddida fulinta ee Xisbiga UCID oo sheegay inay ku xigeenkii xisbiga xilkii ka qaadeen

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Guddida fulinta ee xisbiga UCID ayaa sheegay inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen  gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Maxamed  Buunni ka dib markii guddida anshaxa guddida fulinta usoo gudbiyeen dacwadiisa.

Guddida fulinta ayaa cod gacan taag ah xilkii iyo xubinimadii xisbiga kaga qaaday ku xigeenkii xisbiga Cabdinaasir Buuni, haseyeeshee xisbigga UCID muu cadayn sababaha rasmiga ee masuulkani maamuus ka xayuubinta loogu sameeyey.

Dhinaca kale, gudoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu is casilay ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen gudoomiyaha xisbiga.

“Waxaanu isku haynaa maxa loo leeyahay ajande aan Somaliland ahayn buu WADANI wataa, waa xisbi boqolkiiba afartan helay, KULMIYE xurmuu u hayaa WADANI mar walbana wuxuu yidha aragtidiina waan idinku ixtiraamaynaa, laakiin aniga hadii gudoomiyahaygu uu qaatay inuu shaanbad ku dhufto Xisbiga WADANI anigoo ku xigenkiisa ah damiirkaygu I siin maayo inaan sii joogo, marka waan ka tagay UCID”ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID ayaa sheegay inay khalad tahay in la isku joojin waayo oo xisbigii WADDANI oo wax diidan hawsha la iska sii wato, isla markaana ku dooday in aanu ogolaanayn in khalad jira iska taageero ee uu ka shaqayn doono sidii xisbiyada uu iskugu keeni lahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.