4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Madaxweynaha Puntland oo joojiyay canshuur dhaafkii loo sameynayay hay’daha dowladda iyo kuwa caalamiga ah

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray digreeto lagu joojinayo cashuur dhaafkii iyo cashuur dhimistii loo samayn jiray hay'adaha dawladda , kuwa caalamiga ah iyo hay'adaha gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda maaliyadda ayaa lagu amray ,iyadoo la ogeysiiyay xisaabiyaha guud ee Puntland,guddoomiyaha hanti dhowraha guud, wasaaradaha,ha'adaha gaarka loo leeyahay iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Tallaabadan waxaa lagu sheegay mid lagu xadiddayo in wax is daba marin iyo musuq maasuq ay dhacaan, inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.

Maalintii la doortay madaxweynaha cusub ee Puntland, waxa uu soo saaray wareegto uu ku xayirayo dhammaan akoonnada dowladda, kuwa xawaaladaha in aan lagala bixi karin wax  dhaqaale ah.

Hoos ka akhri wareegtada lagu joojiyay canshuur dhaafka;


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]