4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2019
Magac-yada Horjoogayaal ajaanib ah oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Janaayo, 13, 2019 (HOL)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay  degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah deegaannada hoostaga  degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga  fuliyay saldhigyo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen deegaannada Baladul  Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay  Howlgalka lagu bartilmaameysaday xubno sare oo ka tirsan nabadiidka  Al-shabaab.

Ku dhawaad 85 dagaalyahan iyo horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo maleeshiayada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda ciidamada qalabka sida u sheegeen magac-yada orjogayaasha lagu dilay weerarka iyo dalalka ay u dhasheen.

Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magac-yadooda lagu  kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo  Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza  Almifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa  heesta Dhalashada Monotariya  ayaa hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim  Afgaan, Aadan Xaash Auu musiyaan ka soo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal  Bin hayaan ka soo jeeda dalka Yaman.

Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga  fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro dagaalyahannada  Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]