3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hor yimid xil ka qaadistii lagu sameeyay

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka Sayid Cali Sheekh Maxamed ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darro ku tilmaamay qoraal ka soo baxay xubno ka tirsan guddiga doorashada Qaranka oo lagu sheegay in laga qaaday xilkii uu ka hayay guddiga ee guddoomiye ku-xigeenka.

Siyad Cali ayaa sheegay in warqadaa uu arkay islamarkaana lagu tilmaami karo sida uu hadalka u dhigay mid guddoomiyaha guddiga ku dooneyso ayuu yiri in ay ku qariso fashilka iyo ceebaha hoggaamineed ee muddaba ku soo waday sida uu hadalka u dhigay guddiga dhaxdiisa.

Wuxuu sheegay in Golaha Baarlamaanka oo kaliya xil ka qaadis ku sameyn karo madaama ayuu yiri xubnaha guddiga mid mid markii horeba ugu codeeyeen xildhibaannada Qaranka si la mid ah doorashadii madaxweynaha.

‘’ Xubnaha guddiga waxa ansixiyay oo u codeeyay baarlamaanka xubin kasta si la mid ah doorashada Madaxweynaha Federalka Soomaaliya,ayna sidoo kale Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.”ayuu yiri Sayid Cali Sheekh oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada Qaran.

Wuxuu intaa ku darray in khilaafkan uusan aheyn mid hadda soo bilaawday lagana garan karo qoraalka xil ka qaadistiisa lagu soo saaray oo ay ku saxiixan yihiin ayuu yiri Lix xubnood halka xubnaha guddiga-na ka kooban yihiin Sagaal xubnood.

‘’Muddo dheerba guddiga waxaa ka dhax jiray khilaaf xarga goostay, ayna gudoomiyaha guddiga ay u horseeday guddigaasi fashil iyo ceeb’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayuu si toos ah ugu eedeeyay in guddiga gudihiisa ay ku maamsho, Kaligii talisnimo, Eex iyo Musuq maasuq ka dhax jira guddiga.

Lama oga waxa uu dhimi karo khilaafkan cusub hannaanka geed socodka siyaasada la doonayo in lagu gaaro doorasho qof iyo cod ah oo ka hergasha dalka marka la gaaro 2020-2021

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
1/12/2019 3:16 PM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)– Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila.

1/12/2019 2:40 PM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)– Munaasabada ballaaran oo lagu daahfurayey Bankiga cusub ee Daryeel Bank oo ay leedahay Shirkadaha Xawaalada Iftin Group ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo isla munaasabadan lagu soo bandhigay adeega cusub ee (YEEL app).

1/12/2019 10:36 AM EST
Santi, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Xisbiga UCID ayaa sheegay in xisbigooda iyo kulmiye isku raaceen inay doorashadda golaha Wakiiladu dhacdo dhamaadka sanadkan, halka xisbiga WADANI ku gacan saydhay heshiishkooddaasi.

1/12/2019 9:18 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah hal abuurka dhallinyarada ah ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu xalay magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay suugaan uu ku dhaliilay dawladda iyo dhibaatooyin uu ku arkay xabsiyadda wadanka ku yaal.

1/12/2019 2:52 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xilka qaadis iyo xubinnimada in ay ka saaraan isugu daray Guddoomiye ku xigeenka Guddiga uu lahaa.

1/12/2019 2:43 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Basaboorka Soomaaliga ayaa loo aqoonsaday in uu yahay mid ka awood badan Pasaboorka dalalka Afghanistan iyo Iraq sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'adda Henley Passport

1/12/2019 2:23 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi oo loo heysto in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasdan 21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

1/12/2019 12:21 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL) – Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in dowladda Canada aqbasha in ay magan-galyo siiso Raxaf Maxamed al-Qunun taasoo loo aqoonsaday in ay Qaxooti tahay kaddib markii ay ka soo baxsatay reerkeeda.

1/12/2019 12:02 AM EST
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)–Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.