4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Baasaboorka Soomaaliga oo ka awood badan kan dalalka Afghanistan iyo Iraq

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Basaboorka Soomaaliga ayaa loo aqoonsaday in uu yahay mid ka awood badan Pasaboorka dalalka Afghanistan iyo Iraq sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'adda Henley Passport

Pasaboorka Soomaaliga ayaa la mid ah kan Syria waxaana Viso la'aan lagu tagi karaa ilaa 32 dal, halka Pasaboor -da dalalka Iraq iyo Afghanistan lagu tagi karo oo  kaliya 30 dal.

Pasaboorka Soomaliga ayaa ayaa sidoo kale waxaa la mid ah kan Eritrea  oo loogu safri karo 32 dal, waxaana muuqata in Pasaboorka labada dal meel fiican kaga jiraan qiimeyntan la sameeyay.

Dalka Japan ayaa kaalinta ugu horeysa uga jira qiimeyntan ay sameysay hay'adda waxaana Pasaboor -keeda  uu noqonayaa kan ugu awood badan dunida iyadoo lagu tagi karo Viso la'aan 190 wadan oo dunida ah.

Africa waxaa kaalimaha hore uga jira dalalka :

  • Seychelles: 151 destinations visa-free
  • South Africa: 101 destinations visa-free
  • Mauritius: 145 destinations visa-free
  • Botswana: 82 destinations visa-free
  • Namibia: 75 destinations visa-free

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]