Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda
Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi oo loo heysto in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasdan 21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.
Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha,
waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baarista Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa
wiil dhallinyara ah.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah
ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha ciidamada Qalabka Side ayaa sheegay in eedeysanaha
uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro
balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka
sida ayaa maanta go’aan ka gaaray,
waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka
Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii
Marxuum Dayax Iimaan Xasan.
Maxkamadda Ciidamada
ayaa horay digniin waxaa ay u dirtay askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Maxkamada ciidamada ayaa waxaa ay xukuno ku ridaa askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]