4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2019
Canada oo magan-galyo siisay haweeney da'yar u dhalatay dalka Saudi Arabia

 

Sabti, Janaayo, 12, 2019 (HOL) – Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in dowladda Canada aqbasha in ay magan-galyo siiso Raxaf Maxamed al-Qunun taasoo loo aqoonsaday in ay Qaxooti tahay kaddib markii ay ka soo baxsatay reerkeeda.

Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday in ay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt, waxa ayna isku soo xirtay qol ay ka deganayd hoteel ku yaal garoonka diyaaradaha oo u kiraysnaa.

Waxaa ay sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, taas oo ciqaabteeda gudaha Sucuudi Carabiya ay tahay dil.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in gabadhiisa ay tahay qaxooti dhab ah.

Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa bilowgii hore sheegay in gabadhaasi ay tahay inay dib ugu laabato Kuwayt, halkaas oo ay qoyskeeda ku sugayaan.

Kaddib waxa ay baraha bulshada ka bilowday olole, waxa ay barta Twitterka si toos ah u soo dhigaysay farriimo ay kaga hadlayso kiiskeeda sidoo kalana ay ku soo jiidanayso indhaha caalamka.

Caadiyan dowladaha ayaa qofka u aqoonsada inuu qaxooti yahay hasayeeshee Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sidoo kale qofka siin karta heerka qaxootinimada "waa marka aanan qofka la siin ama laga cagajiido heerkiisa qaxootinimada", sida lagu sheegay barta internetka ay hay'addaasi ku leedahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]