Jimco, Janaayo 11, 2019 (HOL) - Waxaa magaalada Rustenburg ee waqooyi-bari ee dalka Koofur Afrika lagu dilay laba wiil oo Soomaali, mid kale waa dhaawac. Labada wiil ee geeriyootay ayaa waxay kala yihiin Caydaruus Maxamed Abuukar iyo Cabdullahi Maxamuud.
Dilalka noocaan si joogta ah uga dhaca dalka Koofur Afrika, gaar ahaan goobaha ay Soomaalida ka ganacsadaan.
Bishan Janaayo 7dadeedii ayaa ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah kana ganacsada sigaarka lagu dilay magaalada Capte Town, waxaana isla goobtii looga dhacay lacag gaareeysa 500,000 Rand (US $36,000).
Labadaan marxuum ayaa la filayaa in barito lagu aaso isla magaalada Rustenburg.