4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2019
Kalfadhigii Afaraad Aqalka sare ee Soomaaliya oo la soo xiray

 

Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)– Waxaa soo xirmay kalfadhigiii Afaraad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kalfadhiga Afaraad uu xirmay, isagoo xusay in 10-ka bisha Maarso uu dib u furmi doono Kalfadhiga.

Go’aanka loo cuskaday soo xirida Kalfadhigan ayaa kala ah qodobada 74aad iyo 23aad ee Dastuurka KMG, kaasoo dhigaya in Golaha uu sanad-kasta yeelanayo labo Kalfadhi, isla markaana mid kasta uu socon doono muddo afar bil.

Golaha Aqalka sare ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu hakiyay xiriirkii wada shaqeynta eek ala dhaxeeyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xiritaanka Kalfadhigan uu imanaya iyadoo aan la soo afjarin arintaa iyada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]