Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL)–Agaasimaha guud ee
wasaarada Caafimaad Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ku dhaawacmay
rasaas uu ku furey askari ka tirsan ciidamadda Militeriga Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka
Dr:Xargeeye ayaa isku dayey inuu ka joojiyey askarigan oo guri sandaqad ah ka
dhisanayey goob uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee magaaladda Hargeysa.,
taasina ay keentay gacan ka hadal yimaado ka dib markii agaasimuhu
doonayey inuu gacantiisa ku dumiyo jiingadi uu dhisayey, taasina ay keentay
inuu xabad kaga dhufto lugaha gaar ahaan bawdadda, inkastoo aanay laf jabin
balse ay jiidhaysay xabadii uu ku furay.
"Dalka waa loosoo dhaawacmay oo loo dhintay,
waan ku faraxsanahay inaan ku dhaawacmay anigoo qarankeyga u shaqeynaya"
ayuu yidhi agaasimaha oo warbaahinta la hadlay.
Agaasimaha ayaa dhaawac fudud noqday, waxaana
xabsiga loo taxaabay askarigii xabadda ku dhuftay oo xabsiyadda ciidamada loo
taxaabay.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.