4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2019
Wasaaradda Amniga oo faah faahisay xarigga Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska

 

Jimco, Janaayo, 11, 2019 (HOL) – Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo gacan ka hadal uu dhaxmarayo qof dumar ah.

Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubeey, waxaana maalmihii ugu danbeeyay muuqaalkiisa lagu baahinayay baraha bulshada ku wada xiriiraan xili uu gacan ka hadal ka dhax socday isaga iyo qof dumar ah oo la sheegay in ay aheyd xaaskiisii hore.

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.

Muuqaalka ayaa la sheegay in baahisay gabadha uu gacan ka hadalka dhaxmaray, waxaana sarkaalkan uu xirnaa waqtigaa dareyska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada loo soo xiro sida la sheegay aflagaado ama gacan ka hadal uu u geystay qof dumar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]